Sheekada waxaa qoray Daalac Daahir Shoot, waa sheeko jaceyl, waa qiso dhab ah, waana sheeko webka www.daalac.com idiin soo deen doono maalinkasta oo talaada ah hadii Allah inoo saamaxo. sheekada waxay ku bilaabaneesaa sidatan:
Habeen ayaan waxaan raacay saaxbiibadeyda Ali Jaamac iyo Abdifatah Aways, waxaan u shukaansi doonanay xaafada Baar Ubax ee degmada Holwadaag ee Magaalada Muqdisho, aniga ma anaan garaneen gabadhaha loo socdo balse waxaan ahaa nin wehliya asxaabtiisi, waxaan tagnay goobta ay dagan yihiin gabdhaha, waxaa noo suurta gashay in aan barano gabdho badan, intii ay socotay dooda iyo kaftanka ayaa gabar lagu magacaabo Ruwaydo waxay tiri waxaan necbahay qabiilkaas ifka iyaga ayaan ugu necbahay,
Aniga ma isku sheegin qoloda aan ahay laakiin iyada ayaan ku iri ma ahan qabiil la jeclaado qabiilkaas, waxaan sidaas ulahaa in aan ka saaro shaki qalbigeeda, waxayna i waydiisay qolada aan ahay waxaana sheegtay in aan ka soo jeedo Soomaali Galbeed mana ka soo jeedin.
Waxaan ku soo laabtay xaafada aniga oo qalbiga ka gubanayo ciil iyo calool xumo i heeso, waxaan ku fakiriyay gabadha sidii aan u xumeen lahaa, waxaa ila wayneed naceebka ay u qabto qabiilkeyga, waxaa isaarnaa sheydaan kii uga xooga badnaa, habeenkii ma aanan seexan ilaa waxaan ku fakirayay in aan xumeeyo ama aan nolosha ku silciyo.
Subixii markii uu waaga inoo baryay ayaan iyada wacay aniga oo been u sheegaya iyada waxaan ku iri abaayo xalay xaafadeena waxaa lagu dilay wiil qabiilkiina ah waxaa dilay cidii xalay aad iiga sheekeeneesay, sidaa waxaan u iri maadaama qofka wuxuu necebyahay looga sheekeeyo wuxuu aad u tixgaliyaa qofka sheekada la wada, gabadhii waxay bilaawday in ay six un isii caayso ama aflagaadeeso qabiilkeyga, marba marka ka dambeeso dhiigeyga wuu sii sara kacayay laakiin iyada ma aanan u muujin wax caro ama xanaaq ah, waxaan ahaa qof dhoola cadeeya.
La sooco qeebta 2aad Talaada kasta.
W/Q: Daalac Daahir Shoot
+ comments + 4 comments
hagaag waba mid kasiidaran sheekooyinkii hore cajab ayan kuleeyahay mudane dalac waana aqaan asxaabtaada ilaah hanoogu dhameeyo si wanagsan sheekadaan waana kutixnaan doonaa inshalah
hagaag waba mid kasiidaran sheekooyinkii hore cajab ayan kuleeyahay mudane dalac waana aqaan asxaabtaada ilaah hanoogu dhameeyo si wanagsan sheekadaan waana kutixnaan doonaa inshalah
Thanks daalac.com wan ku taxnan don'na insha Alaah
Thanks daalac.com wan ku taxnan don'na insha Alaah
Post a Comment