Labisk ninka oo noqon kara mid yareeya carada (xanaaqa) naagta

Wednesday, July 6, 20110 comments

         Nadaafada waa shey muhiim ah,  waa bilicsamida iyo daryeelka jirka, qof kaa nadaafad badan wuu kaa ilbaxsan yahay sida ay ku maahmaahan Japaness ka, warbixintaan oo soo baxday maalintii shalay ayaa lagu xisay in ragga aadka ulabista kana fakara jirkooda ay yartahay carada loo qaado, halka ninka nadaafadiisa ay yartahay uu ka noqday mid kala kulmo xaaskiisa buuq iyo qeelo.

Sida lagu xusay warbixinta  dumarka ayaa ku dagdagin in ay u caroodaan ragga labiska indhahooda qabta, 5000 oo naag ah ayaa lagu sameeyay daraasataan, halka 200 naag ay nimankooda yihiin kuwa ka wahsada nadaafada jirka ay noqotay kuwa kala kulma canaan hadalo kulul, halka 300 ay ka noqotay kuwa aan la kulmin xanaaq sidaa micno uleh.

Ilnig Whoe oo ahaa ninkii sameeyay daraasada ayaa sheegay hadii ninka ragga ay ku kacdo naagtiisa in ay haboontahay in uu labisto is carfiyo dabadeedana isaga oo dhoola cadeenaya soo ag fadhiista, wuxuuna sheegay in midaas ay tahay mida ka qeeb qaadan karta in naagta ay noqto mid dhiigeedii kacsanaa in uu yara dago

Mid kamid ah dumarla lagu sameeyay daraasataan ayaa sheegtay inta badan sababaha aysan ugu xanaaqin in ay tahay ninkeeda markasta iyada soo jiista waana mida iga keenta in aan ka xishooda, waxayna hadalkeeda ku dartay in hadii aan ku buuqo maalinkaas laga yaabee shaqada uu aadi lahaa in uu sifiican u qaban, waxayna tiri ninkeyga waa nin jecel labiska .

Isku soo duubduub daraasataan ayaa ah mid wax ka qaban karta xaaladaha qaar, waana mid ku dhiiri galineeso in ay raggu noqdaan kuwa nadaafad sare leh.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks