Sedex arimood oo dadajiya furiinka

Friday, July 15, 20110 comments

         Sid ay soomaalidu hore ugu maahmaadsay “qof kasta qumanihiisaa qoorta ugu jira” ayaa marna u fiican qofka si uu u ilaashado sharaftiisa marna dumisa xidhiidhka uu la leeyahay dadka. Ta dambe ee ah inlaguu arko mid mar kasta isla toosan ayaa dadka kaa fogaynaysa oo kaa dhigaysa mid aan la jeclayn.

Shabakada sheknwows ayaa waxa ay soo daabacday 3 qalad oo had iyo jeer sababa in uu yimaado furitaan., kuwaas oo kala ah – maxay?

1. Waxa aad isu haysataa in aad wax walba ogtahay
Waxa laga yaabaa in aad wax badan ogtahay, laakiin hadii aad markasta lamaanahaaga aad hadalka ka dhex gasho adiga oo ku dhahaya waad qaldan tahay ayaa waxa ku keenaysaa wareer. Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay fikirkiisa xataa hadii uu fikirkiisu ka duwan yahay kaaga, hana noqonin midka loogu yeedho ” besserwissen” wax walba oge. Kala ogow faraqa u dhexeeya marka aad saxaysid qof qaldan iyo marka aad had iyo jeer waxii sax iyo qalad ah ku salayso rayigaaga.

2. Wada hadal la’aan
Waa in aad la hadashaa ninkaaga hadii aad doonayso in xidhiidhka adiga iyo ninkaagu uu si fiican u shaqeeyo. Hadii ay jiraan wax kaa xanaajinaya u sheeg sayigaaga waxa ay yihiin, halka aad ka aamusayso, rajaynaysana in uu asagu fahmo waxa kaa xanaajiyay. Hadii uu xanaaqsan yahay waydii waxa ka xanaajiyay. In uu qofku ka hadlo dhibaatooyinka haysta ma fududa, laakiin hadii uu mid waliba ka hadlo waxa dhibaya ayaa waxa dhexdiina ka dhalanaysa isu soo dhwaansho dheeraad ah. Hadii lamaamayaashu ka wada hadlin qof walba waxa dhibaya, uu tabayo ama caloosha ku haysto ayaa waxa ay sababaysaa in ay kala fogaadaan.

3. Qof isaga uun iska fikira
Arintan ayaa ah mid caadi ah, dadkuna inta badan ka hadlaan naftooda iyo waxa ay rabaan, wayna adag tahay in uu qofku noqdo mid og in uu naftiisa oo kaliya ka fikirayo. Hadii wada hadalka adiga iyo sayigaaga idinka dhexeeyaa uu markasta ku saabsan yahay adiga ayaa waxa haboon in aad arintan wax ka bedesho. Xidhiidhka ka dhexeeya lamaanaha ayaa waxa uu ku salanysan yahay sinaan, is ixtiraam iyo laba dhinac oo ah wax isa siin. Markaa hadii wada hadalkiinu markasta adiga ku saabsan yahay ayaa waxa haboon in aad wax ka dhinto.

By:mo.kaayeelimaa

www.daalac.com
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks