Sheeko Jaceyl: Alla Qalbiga ayuu iga xaday (Qeybtii 4aad) Qiso xunuun iyo ilin kaa keeneeso

Sunday, July 10, 20110 comments

Waxaan go’aan saday in aan markale wicin  isaga, waxaan jeex jeexay  wixii data aan hayay sida in aan tirtiro telefon kiisa imeelkiisa, waxaan kaloo go'aan saday in aan qalbiga ka saaro isaga oo aan dib dambe u xasuusan iyo in aan daneen arimihiisa dhan  oo aan iska iloowe, laakiin aan meesha ka saarin walaalnimo iyo Somalinimo iyo in la ilaalsho ama la dhooro  wanaagii bini aadamnimo inaga dhaxeeyay.



 

 

 

 

 

Xiligii aan fikirka adkaa ama marxalada adkeed aan ku jiray waxaa iga dhacday  hilib dhan 5kg, aad baan u caatoobay, laf iyo maqaar ayaan noqday waxaa la imoodaa in aan ahay qof jiro kasoo kacday ama cudur la daristay.

Caatanimadayda waxaa la yaabay reerkeyga, aniga waligay kuma dhihin reerkayga arintaas ayaa I heesato ama damacsanahay, si aad ah waan uga xishoodaa in aan ku dhaho jeceel baa I haaayo.

sababtune waxay aheed d’da aan jiro iyo marxadalda aan ahay ma aheen qof laga fisho ama laga maleen karo in  uu jeceel gali karo, aad ayaan uyaraaa,dhanka reerka waxaan ka ahay qof caruur aan wali uqaan gaarin wax badan u dhiman yahiin, laakiin aniga waxaan isku heestaa ama iska dhaadhiciyay in aan ahay qof wax kasta u dhameestiran yihiin mus'uuliyad qaadi karta, allow qof aan wax ogeen ha cadaabin ayaa layiri.

Xaaladayda waxaa si dhab ah uga war heeso saaxiibtayda  qaalida Ahlam, Ahlam waxay ii aheed qof dhanka wanaaga ah iigala taliso, weyna iga wayneed, inkastoo Ahlam marmarka  qaar walaac ii shidi jirtay  iyadoo igu oran jirtay miyaad moogeed  in nin dhoor iyo sodon jir ah in uu naag la’aan ahaan karo, waliba ah ganacsato laga yaabee in uu kuwa kale qabo ama u qarsoon yihin, waxay ii sii raacisay iyadoo dhoola cadeeneeso  nin ganacsata ah iyo darwal (kuwa ukala goosha goboada) waa ay naago badan yihiin, dumarka majecla ragga sidaas ah.



Warka Ahlam si toos ah ayuu iigubayay waxaan islahaa waxaad ku dhacday hog ama god aad u weyn cid kaa saari karta malahan,waa sida uu daadka kuu qaaday.

waxaa iigu yaab badnaa ninka xasuusta kama jari karo si kasto aan iskuugu dayo, markii aan is dhaho iska  ilow oo ha xasuusan wuuba ii sii macaanaadaa ninka.

Waxaa la ii soo jeediyay talo ah in la igeeyo dhaqtar maadaama reerkayga xaaladayda u arkaan mid ubaahan  wax ka qabad waayo  jismi ahaan ayaan hoos u dhacay, waxaan noqday qof dabeesha bitin karto.

Waxaa la ii waday dhaqtar, anigane waan ogahay cudurka ihaayo in uusan aheen jiro balse  uu yahay

jeceel  sababta aan reerka taladooda  u yeelay ayaa aheed in la ogaanin arintayda waxaan ka baqayaa qeelo iyo canaano ama dil la ii geesto ama xurnimada la iga qaado waxaan u arkaa aadista dhaqtarka mid ii saamixi karta fursado badan.

Xaruntii dhaqtarka markii aan tagnay waxaa la iga qaaday dhiigag farbadan iyo baaritaan guud, wax cudur ah ama xanuun ah waa la iga waayay, laakiin dhaqtarka wuxuu yiri waxaa haayo stress, daawo stress ayaa la ii soo qoray iyo nasasho mudo dhan laba isbuuc,  maskax jeceel haayo miyaa nasan karto.



xaaladayda markii ay xumaatay aanan soo wadin wax isbadal ah ayaaa Ahlam loo wacay, reerkiinii ayaa uwacay, waxaa lagu yiri noo sir bax sidaan hanu eegan gabadha sida loo haayo waxa haayo inoo sheek  xitaa hadii aan daawo siinay wax isbadal ah kama heeno, Ahlam ila ma tashan laakiin arimahaygii dhan ayee reerka u sheegtay, marxalad kasta aan ku jiray ayee uga sheekeesay, sheekadayda way fashilmatay waxay noqotay mid banaanka taaalo.

Hooyo ayaa dhahday ileen gabar noo qaan gaartay ayaa inoo joogto, maba ogeen waxaan islahaa midaan waa mid wali wax badan u dhiman yihiin, si caro ku jirto iyo xanaaq ayee hooyo tiri maxay qarash iyo daawo noo galisay, cudurka haayo daawadiisa waan naqaanaa, si dag dag ah ayaan ku xalinaa

Mudo dheer kadib go’aan ayaa la soo saaray oo ka yimid dhanka hooyada oo ah in sida ugu dhaqsiyaha badan wiil qaraabada ah la igu daro (la igu mehriyo), hadii kale  aan reerka ceeb usoo jiidiyo, maadaama lla

Go’aanka hooyo waxaa u wada codeeyay ama taageeray reerka dhan waxaana lagu balamay sida ugu dhaqsiyaha badan in loo dardar galiyo guurka.



Madhici doontaa in wiil la igu daro? maka dhuuman doonaa reerka? Maxaa xigi doono?

La socoto Qeebta 5aad. axad kasta

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks