Sheeko Jaceyl: Alla Qalbiga ayuu iga xaday (Qeybtii 5aad) Qiso xunuun iyo ilin kaa keeneeso

Sunday, July 17, 20116comments

    Waxaa siibatay cadaadiska ay reerka igu hayaan, waxaan noqday xabsi guri, maalinkii dhan halmar ayaan arkaa banaanka  waana xiliga aan aadaaayo school-ka , markii aan iskuulka banaanka ugu soo baxo banaanka hore ee schoolka waxaa ii taagan hooyo ama wiilasha aniga ila dhashtay midkood, waxaa la iga qaaday  teleefon keygii, waxaa laga baxshay sim card-kii, reerka dhan waxaad umaleesaa in aniga ay cadow igu wada yihiin, intaas dhan waxaan u arkaa ciqaab aniga ila soo daristay.

Waxaa iigu sii darneed maalinkasta waxaa lawacaa adeer yaal  ama eedayaal ama abtiyaal waxaa la waydii in ay hayaan wiil guur doon ah, hooyo kama daasho wicitaanka qaraabada, sida ay u waceeso qaraabada waligeed ma aysan uwacan.

wixiiba wiil la raadiyo waxaa la helay mid kamid ah wiilasha abatiyaashay , waa wiil  21 jir ah kuna nool wadanka UK, wuxuuna  dhahay Sahra aniga hala iigu faataxeeyo  aniga aye ii noqonee xaaskayga, hooyo farxad aye la dhacday, wiilasha dhan aye iskuugu wacday oo guuriyo oo guuriyo aye is wada dhaheen, dhanka faamilka waa ufarxad maalinkaa

laakiin aniga waxay iitahay maalin madow.

wax yar kadib  markii ay oo guuriyo is dhaheen waxaa soo dhacay teleefoon oo dhanka eedaha ah oo ku  sugneed xiligaas Sanca Yemen, waxay dhahday waxaan hayaa wiilkeyga oo Jidah joogo (Sacuudiga), wuuna iga ogalaaday in uu guursado gabadha abtigiisa, waxaa lagu dhahay eedo gabdha waxaa soo doontay mid kamid ah abtiyaasha wiilkooda oo dagan UK.

Waxaa bilaawatay in labada reer is wacaan (reer keyga iyo wiilka reerkiisa)  la qorsheeyo guurka maalinka laga dhigaayo halka uu ka dhacaayo, waxaa la isku wada raacay in guurka lagu qabto Dubai, wiilkiina waxaa lagu amray in uu si dagdag ah ku gaaro maagalada Dubai guurka ka hor.

Subaxa uu ka soo dagaayo garoonka ayaa la iwaday waxaan kamid noqday dadka soo dhaweenaaayo isaga,  subaxaas wajigayga waxaa ka muuqda niyad jab farxad la’aaan, murugo, walaac, faamilka waxay igu amrayeen in aan dhoola cadeeyo, aan wiilka wax tuhun ama shaki uusan galin, in aan u ekaado qof imaanshihiisa ku faraxsan, waxaan sugnaba wiilka si nabad ah ayuu garoonka uga soo dagtay,  waan iskalifay ilaa xad waan u yara dhoola cadeeyay.

Waa la soo galbiyay waxaa la keenay  wiilkii guriganeenii aan dagneen, waxaa la  dajiyay qolka aniga  igu dhagan oo dhanka bidix iga saran.

Cuntada uu cuno waxaa la igu amray in aan aniga ugeeyo qolkiisa sidoo kale in aan  hagaajiyo qolkiisa, intabadan isaga in aan la qaato waqtiga, waxaana la isoo celshay xurnimadii in aan bixi karo aan banaanka aadi karo, isaga ii noqonaayo kan iwad wada.

Aan usoolaabtii arinta wilka wuxuu ahaa mid shidan, wuu qurxoonaa,  wuuna yara dagnaa, maskax fiican wuu lahaa, fikiriisa wuxuu ahaa nin inta badan asaas u ah wanaag iyo waayo aragnimo, wuxuu ahaa nin wax kasta aan culees ama shido ka dhigin, akhlaaq iyo dabci wanaagsan wuu lahaa sifo xun maku arkin, habeen kasta casho ayuu ii soo gadi jiray markasta uu banaanka aado wuxuu ii keeni jiray hadiyado qaali ah laakiin intaas oo dhan uu isaga sameenayo waxba dareen ama soo jiidasho ama saameen ma igu lahan maxaa yeelay nafsada ma rabto isaga.

Waxaa soo dhawaaday xiligii lagu wada balamay in guurka  la dhigo waxaana ka harsan 3 maalin, dadka dhan waa la casuumay, waxaa loo qeebiyay invitation.

anigane carwada ayaa la igeeyay si la iigu soo xulo dharka arooska



waxaa bilaawday in dadka qaraabada kuwa aan dagneen Dubai ku soo qulqulaan Ddubia.

Maskaxda daqiiqad in kayar waxay soo bandhigee intaas oo kun oo fikir ah,

aan ka tago magaalada si aan uga badbaado shirqoolka la ii maleegayo, mana heesto lacag aan ku baxsado, waxaan galay qolka wiilka daganyahay, subax kasta waa goglaa qolka uu dagan yahay, waxaan fatashay boorsadiisa waa mida jeebka gadaal lagaliyo, waxaan ka helay lacag $6720, waxaan is dhahay hadii aad wada qaadato durbadii waa lagu fahmayaa waxaan qaatay $ 3500.



Reerka ayaan ku dhahay waxaan soo gadaa ama soo iibinaa carfiso si qolka wiilka uu daganyahay uu unoqdo mid aad u udgoon, isagane ay unoqoto qolka qol jiifka ku wanaagsan.

Reerka waxay is dhaheen gabadha way dadaaloosaa wiilka ayee ka fikiree, banaanka ayaan sidaas ugu baxay.

Waxaan qabsaday Tax meel inbadan ka fog xaafada waayo cabaar badan ayaa  soo lugeenayay waxaan ka baqay in ay dadka I arkaan aniga oo raacaya Taxi, waxaan abaaray halka lagu iibiyo tikid yada, waxaan soo goostay tikit ah in aan isla caawa bixi karo.

Halkee aan ugoostay tikitka? Wadankee ayaan aadi doonaa? Mala ogaan doonaa halka aan aaday? Wiilkii rabay in uu iguursado iyo reerka maxaa dhax maray? Halkee uu ku dambeen doonaa qorshaha reerka? Manoqon doonaa mid hirgala? Lasoco qeebta 6aad axad kasta waa mid xiiso badan

W/Q: Daalac Daahir Shoot (hadii aad aragti heeso ama in wax lagu daro ama in laga dhimo fadlan ii soo dir fariintaada daalac9@hotmail.com thanks)
Share this article :

+ comments + 6 comments

Ahmed BaShi (Murti Macaan)
July 18, 2011 at 8:42 AM

marka hore iga gudoon salanta islaamka marka xigana sheekadaan xaqiiqdii sheeko kale oo aniga igu dhacday ayey isoo xasuusisay ilmayn aan ilmaynaya ayan hada wax ka qori karin marka sxb daalac daahir wad ku mahadsantahay soo gudbinta sheekadaan

Ahmed BaShi (Murti Macaan)
July 18, 2011 at 8:42 AM

marka hore iga gudoon salanta islaamka marka xigana sheekadaan xaqiiqdii sheeko kale oo aniga igu dhacday ayey isoo xasuusisay ilmayn aan ilmaynaya ayan hada wax ka qori karin marka sxb daalac daahir wad ku mahadsantahay soo gudbinta sheekadaan

July 20, 2011 at 2:33 AM

Wanku salamay sxb dahir shekadi sahra ani iqabtay wanka hela sxb nodhamestir sxb thnx

July 20, 2011 at 2:33 AM

Wanku salamay sxb dahir shekadi sahra ani iqabtay wanka hela sxb nodhamestir sxb thnx

July 24, 2011 at 2:01 PM

wad ku mahadsan tahay sxb daahir sheekadan waa mid qiiro leh noo soo dhamaystir pls wayo jacayl ayaa i hayo aniga qisana ey igu dhacday walalao waana kuu soo qori doonaa insha allah

July 24, 2011 at 2:01 PM

wad ku mahadsan tahay sxb daahir sheekadan waa mid qiiro leh noo soo dhamaystir pls wayo jacayl ayaa i hayo aniga qisana ey igu dhacday walalao waana kuu soo qori doonaa insha allah

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks