Xalka Qoyska Soomaaliyeed

Tuesday, July 5, 20110 comments

marka hore  waxan rabaa inaan hordhaceyga ka dhigo waa maxey waxa aan u doortay mowduucan ? waxan u doortay mowduucan waa arimo badan, waxaana ka mid ah ; 




  1. Haweenka in wax laga dhadhiciyo wa aas aaska bulsho.

  2. In la helo haween la socda bulshadooda .

  3. Ragu waa iney ahaadan kuwo difacan kara haweenkooda , kana difacan kara fikradaha kale ee shisheeye.

  4. Dayacida haweenka waxey lamidtahay dayacida bulshada oo dhan .

  5. Daraasad ku sameynta qaabka ugu wanaagsan ee haweenka wax looga dhadhicin karo .

  6. In haweenkeena eeysan ka kudbin (in xiraaf ) diinteena iyo dhaqankeena .


Inta aan soo qaatay iyo kuwo kale oo badan waxan ka dhigi doonaa ciwanada aan ka hadli doono waqtiyada soo socdo .

Haweenka in wax laga dhadhiciyo wa aas aaska bulsho


Aduunyada waxaa iska leh ALLAAH , qalqiga oo dhana waxaa abuuray illaah , xikmadiisuna waxey ahaatay inuu ka dhigo noolaha lab iyo dhadig ( rag iyo haween ) waxuuna ka dhaxeysiiyay nolol , waxuuna u kala doortay shaqooyin iyo in eey isasacidaan (istageeran).

Haweenka illaah waxuu u ugu talagalay iney dhasho , iney barbariso , iney wax barto , iney naxariisato , shaqada noocaas ah waa aas aaska noole kasta , qaas ahana bani’adinku waa waxa ugu horeeya ee eey ka bilaabato nolashiisa. Shaqooyinkaan hadey bulsho weyso waa eey jabtaa, marka si eeyna bulshado u weynin waa in la helaa qaab wax looga dhadhici karo haweenka, waliba qaabkaas waa inuu ahaadaa qaab eey ku rali noqonayaan haweenku (ku qancayaan ).

Haweenka somaliyeed sideebaa eey ku dhici kartaa in manta lagu qanciyo xalada jirta ? waayo wiil iyo gabar kastaa oo qangara waxaa dhalay hooyo , waxaa kuriyay hooyo iyo waxaa wax baray hooyo . macquul ma ahan marka in leeska hilmaamaa aas aaski nolosha dadka oo dhan .

Haweenki somaliyeed in dibada loo saraa oo eey dad kale wax ka dhadhiciyaan kadibna anaga eey dib noogu soo laabtan meshaasna is fahan daro eey ka dhalato kadibna aan ku weyno diin iyo dhaqan . qaladkaas yaa iskaleh , oo dusha u ridanaya ma haweenka mise ragga ? ani waxan dusha eeda ka sarayaa ragga , sababtoo ah masuliyada haweenka waxa iska leh ragga , marka aan is weydiino haweenka somaliyeed yaa dibada u saray ? dibada u bixidoodi hadan ku adeeyno xalada jirta , in dadkale wax ka dhadhiciyaan yaan ku eedeynaa ? marka hadii raggi somaliyeed eey haweenkoodi ku qancin waayeen diin iyo dhaqan waxey lahayeen ma waxaan ku eedeynaa ayaga iyo cidii meel cidla ah ka heshay haweenki somaliyeed oo dayacan .

Masuuliyad daro waa jirtaa oo waa iska cadahay , lakin xalkale oo aan ku badbadno malahelayaan ? HAA .

Qodobada soo socda u fiirsada raggoooooooooooooow ;

  1. Daryeel (Care) iyo naxariis muqata .

  2. Jecel iyo masuliyad muqata .

  3. Dhaga nuglaan iyo tixgalin muqata .


Sadaxdaas qodob hadii ragga somaliyeed ninkastaa uu kula dhaqmo haweentiisa , shaki kuma jiro in wax ka dhadhicinta haweenka eey fududaan laheed , furiinkuna uu yaraan lahaa , shaqada haweenkana eey muqan laheed iyo caruur mustaqbal lehna eey soo sari lahaayeen.

 

W/Q: Abdiweli Ahmed Jjisow

 
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks