Xiliyada ay gabdhaha nacaan wiilasha

Monday, July 4, 20110 comments

ma is waydiisay maalinba maalinka xiga gabadha aad xiriirka laheedeen kaa sii xiiso dhaceeso, ma is waydiisay maxay  nin kale kaaga raacday iyadoona khilaaf jirin? hadaba maanta www.daalac.com wuxuu idin wadaa sababo macquul ah:

1. Caajis (boring)

Sida caadada u ah gabadha uma dulqaataan caajiska (boring) waa kuwa markasta raadiya meelaha aan boring ka laheen, waa ku markasta jecel farxada iyo madadaalada, hadii ay intaas eysan kuugu heesan waa hubaal in gabadhaas kaa sii durqi doonta iyadoo raadineeso qof farxad galin karo,isku day markasta in aad abuurto wax yaabaha iyada soo jiita ama farxad galiya, ha noqon qof laga qaada caajis.

2. Adiga oo aan qorshe cad laheen

Hadii uu yahay kulankaa mid aan dano iyo mustaqbal looga hadleen iyo rajo galinta gabadha aad xiriirka la leedahay shaki kama taagno in ay kaa xiiseeso ninka markasta uga sheekeeyaa mustaqbal iyo wax qabsi xitaa hadii aad baagamuudo tahay (aadan shaqeyn) isku day in aad noqoto qof damac iyo ujeedo leh haka dhigin kulankaaga kulan aan miro dhal laheen.

3. Xiriirka oo noqda mid iska dheeraado

xiriirka hadii uu noqdo mid daba dheeraado aan u muuqan gunaanad waxaa suurta gal ah in ay gabadha kaa doorato qof kale iyada oo ka fikireesa da'deeda iyo asxaabteeda oo mar hore guursaday, waxayna dareemee qof xiligeedii ka dib dhacay.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

 

 
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks