Sidee ku kasban kartaa qalbiga qofka aad jeceshahay

Saturday, June 18, 20112comments

qof kasta oo inaga mid ah wuxuu ku dadaalayaa sidii uu kasban qof ka uu xiriirka la leeyahay ama uu jecelyahay, kasbashada qalbiga qofka kuma eka oo kaliya adiga oo dhaha waan ku jeclahay "i love u", balsa waxaa loo baahan yahay dadaal dheeri ah taas oo marka dambe ka dhiga karta qofka aad jaceshahay mid kuu soo jeeda ama daneeya arimahaaga,  qaababka lagu kasbado qofka aad dareenka u heeso waxaa ka mid ah:

  • Ku dheh ereyo macmac


waa hubaal qofka aad jeceshahay hadii aad ku dhahdo ereyo macmac laga dareemayo naxariis iyo raxmad in qof ka aad jeceshahay uu qalbigiisa isagane kuu dabci doono, markasta aad la hadleeso ku dheh qofka hadal isaga dareenkiisa soo jiita.

  • Ha dhihin waad qaldantahay


macnaheeda ma ahan in aad qof ka aad jeceshahay hadii uu xumaan sameenaya in aad shib uga dhahdo, xumaanta way ka reebantahay qofka muslimka ah, laakiin mida aan uga dan leenahay ayaa ah waxaad is dhaafsateen afkaar marka haku dhihin fikirkaaga wuu qaldanyahay ama fikir liito ayaa soo gudbisay iyo in aad sidaan u fikir gaabantahay uma heesan, ku dadaal in aad ku dhahdo fikirkaaga waa ok laakiin hadii aan sidaan ka sii dhahno maxay kula tahay, markasta ku dheh fikirkiisa waa fikir fiican uguna dhax qari fikirkiisa meesha uu ka qaldanyahay adiga saxaya, wuxuu ogaan doonaa in aad markasta ka qabato afkaaro qaldan adiga ooo adgeesanaya ilbaxnimo taas waxay kaa saacid kartaa soo jiidashada qofka.

  • Markii aad wada hadleesaan sifiican u dhageeso


Dhageesiga qof waa qeeb kamid soo jiidashada qofka aad dooneeso, qof kasta markii uu doonayo in uu war gudbiyo wuxuu jecel yahay in uu warkaas u sheego qof si fiican kaga dhageesta, ha noqon qof markii hadalada loo sheegayo ka mashaquula ama tusiya in hadalkiisa uu kuugu socon, samee in aad wajigiisa fiiriso wax yar kadib u dhax gali dhoola cadees hadii uu hadalkiisa leeyahay wax yaabo qosol leh si fiican ugu qosol, waa hubaal in uu ku jeclaan doono qofkaas.

  • Wac ama udir SMS


umuuji in aa daneeneeso arimihiisa, waydii xaaladihiisa iyo wuxuu ku sugan yahay, xiliyada ugu fiican waa xiliyada uu cuntada cunayo qofka aad dooneeso iyo markii uu seexan rabo noqo qoka ugu dambeeyo uu lahadlo, habeenkii wuu fikirayaa wuxuuna ka fikiraa qofka ugu dambeeyay taas isagane qalbigiisa uu gali doono dareen aad uwayn.

  • Caawi xiliyada uu dhibka ku jiro


waa fursadaha mida ugu qaalisan ee looga faa'ideesto qofka aad jeceshay qaabka aad ku kasban karto adiga oo u muujinaya in aad rabtid in aad wax ka qabatid, u dhis niyada, waydii wuxuu u baahanyahay oo caawimaad ah, haka caajisin in aad wax la qabato.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac@daalac.com

www.daalac.com

 
Share this article :

+ comments + 2 comments

June 7, 2014 at 11:08 AM

justin bieber sidaas u so jiidana hadu i jeclaan wayo i will kill u :(

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks