Gabar ninkeedii ka dalbatay furiin kadib markii ay jeclaatay wiil ay safar isla ahaayeen

Sunday, June 19, 20110 comments

Dooqo waa shey cajiib ah ka helida waa shey aan nafsada laga xakameen karin, ma jirto balan qaad ah qofka aad jeceshahay in uu waligiis ku jeclaan doono, waqtiga iyo waayaha ayaa isbadala, hadaba kala fogaanshaha labada qof ayaa keeneeso in qofka laga maqan yahay in uu helo wehel ama qof markaas soo jiita, inta badan naagaha laga maqan yahay waxaa helis ugu jiraan ragga aan kala jecleen waa laqabaa, hadaba gabadhaan ayaa ninkeeda ka codsatay in uu siiyo warqadeeda dalaaqadaha kuna war galisay in aysan dareen jaceyl iyo rabitaan u heeyn, ayna dooneeso wiil ay isla soo tahriibeen in ay is guursadaan, gabadha ayaa sheegtay wiilka ay isla soo tahriibeen in aad kaga fiicanyahay ninkeeda 100%, waxay naga sheegtay in ninkaan aan jidka isla soo marnay sida wadama badan Suuriya, Turki, Giriiga, waxayna sheegtay intii aan wadada ku soo jirnay in uu bareeray halisyo badan uuna nafsadiisa ii horay, waxayna sheegtay tilaabada ay qaadeeso in ay tahay mid ay igu abaal gudeedo ninka ay isla soo safreen.

lama ogo in ninka naagta qaba uu iska furi doono iyo inkale, dhacdadan ayaan aheen mid ku cusub dhagaha Soomaalida, mid lamid ah ayaa ka dhacday dalka Yeman kadib markii wiil uu ka bad baadshay gabar iyadane badda liqi rabtay taasoo ugu dambeen gabadhii uga dhigtay guur mahadnaq.

Fadlan: ilaali Copyright-ka

W/Q: Daalac Daahir Shoot

daalac9@hotmail.com

www.daalac.com
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks