Soomaalida isticmaasha Facebook oo sawirada profileka ka dhigtay calanka Somalia udiyaar garowga 1da Luulyo

Monday, June 27, 20114comments

Iyada oo ay soo dhowdahay munaasabada  1da Luulyo, ayaa laga dareemayaa udiyaar garowdeeda meel badan oo ka tirsan dalka gudihiisa iyo dibadiisa, u diyaar garowga 1da Luulyo waa mid ku wayn quluubta Soomaalida, waa maalin qiimo uleh umdda Soomaaliyeed.

Soomaalida isticmaasha facebook ayaa ku wada balamay in maalinkaas qofkasta sawirkiisa uu ka dhigto calanka sharafta leh ee Somalia, sanadkaan ayaa noqon doono sanadkii ugu badnaa ee la isticmaalo calanka Somalia,

Dad badan ayaa sii bilaabay isticmaalka calanka Somalia taas oo ay ku muujinayaan dareenkooda wadaninimo, waxaana la filayaa in kumanaan kale oo Soomaali ku sii biirto adeegsada calanka Somalia.

Abdikadir Boos oo ah wariye ka hadla arimaha Sportiga ahna dhalinyarada isticmaasha facebook ayaa yiri "Reer Facebook Wiil iyo Gabarba waxaan idin ka codsaneeyna in aan si wada jir ah u saarano calankeena si aan u soo dhaweeyno 1 July, taasna aay tusto dadka kale in aan nahay Asxaab isku xiran, kuna danbeyso Muwadinimo Thnks All"

Nashaad Abdi Weli oo ah gabdhaha isticmaala facebook ayaa ku boorisay Soomaalida isticmaasha facebook in maalinkaas ay sawirada profile kooda ka dhigtaan calanka Somalia, Nashaad ayaa shee sheegtay in sawirka la soo saarto facebook ee qeeb katahay wadaninimada.

Nawal Hassan Daacad oo ah gabdhaha isticmaala ayaa balan ku qaaday in maalinka 1da luulyo uu labiskeeda noqon doono calanka Somalia.

Migrant Majdah oo ah gabdaha isticmaala facebook ayaa iyada ku nuux nuuxsatay in laga maarmaan uu yahay isticmaalka calanka Somalia, Migrant Majdah ayaa sheegtay qofkasta oo jecel dalkiisa in uu isticmaali doono calanka Somalia.

Maxamed Sadiiq oo ah wariye ka hadla arimaha bulshada ayaa sheegay in 1da luulya ay tahay maalin muhiimadeeda leh cidka kasta oo damiir wadaniyad leh ay maalinkaas muujin doonto heerka ay gaarsiisantahay wadaniyadiisa.

Isticmaalka calanka Somalia ayaa noqon doono mid umada dareensiiya jiritaankooda iyo caqabadaha ka hortaagan, taas oo meesha ka saari doonta kala fogaanshaha u dhexeeyay umadda Sooomaaliyeed.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmail.com

www.daalac.com

 
Share this article :

+ comments + 4 comments

June 27, 2011 at 2:43 AM

abdirahmaan ali nuur oo ku borrigalinayo walala soomaliyed facebook is ticmalo iney malintas sawiiradoda ka qadan eey sartan calankeyna waxan nujineyna wadani nimadena

June 27, 2011 at 2:43 AM

abdirahmaan ali nuur oo ku borrigalinayo walala soomaliyed facebook is ticmalo iney malintas sawiiradoda ka qadan eey sartan calankeyna waxan nujineyna wadani nimadena

June 27, 2011 at 11:59 AM

Insha Alah weynaqan wadankana wu ficnan donaa

June 27, 2011 at 11:59 AM

Insha Alah weynaqan wadankana wu ficnan donaa

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks