4 siyaabood oo lagu kasbado saaxiibo badan

Friday, June 24, 20110 comments

Bini aadamka ayaa ah mid isaga wax barta isagane la barto, dadbadan ayaa u arka isbarashada in ay tahay wax dhib badan, halka dadka qaar ku xisaabtamayaan in ay noqdaan kuwa leh saaxiibo aad ubadan, barashada qofka ayaa noqon karta mid kaa saacida wax yaabo badan, halka qofka aan dadka badan laheen badanaa uu lakulmo gurmad la'aan xiliyada uu dhiban yahay.

Laura Gilbert, oo ah gabar qoraa ah  inta badan wax yaabo ku soo qorto wargeesyada  Maxim, Health, The Knot, dan Stuff ayaa sheegtay in siyaabaha ugu fudud qofka uu saaxiib dhow ula noqon karo qof kale in ay noqon karto qodobadaan soo socda:

1. U dhoola cadee kadib Salaan adiga oo gacanta u taagaya

u dhoola cadee xiliga aad la kulanto qofka una taag salaan, maalmo kadib waxaad arki doontaa qofka oo ku xiiseeya ama ku qadariyada, waxaadna ka mid noqon doontaa dadka uu maskaxda ku haayo

2. Ufur Hadalka (Ubilaaw Sheekada)

Susan RoAne, oo qortay book la magac baxay How to Create Your Own Luck and What Do I Say Next ayaa sheegtay in ay usahlantahay qofka in uu qof uusan aqoonin hadal ku bilaaba si dagan taas waxay suurta galineesaa in qofkaas aad hadalka ubilaawday uu noqon karo in uu hadalka kula wadaago waxayna ubadantahay in aad si fiican isku wareesataan, waana u xasuus qofka la bartay, hadal ku bilaabada ayaa keeneeso in labada qof isku soo dhawaaday halka dadka kala aamusan isku heestaan in qofka kale uu xirxiranyahay waxayna sheegtay in shakigaas loo baahneen.

3.  Waydii Su'aalo iska Caadi

isku day in aad waydiiso su'aalo iska caadi ah adiga oo iska dhigaya qof u baahan jawaab, ha waydiin qofkaas arimihiisa gaarka ama arin isaga ku saabsan ama uu ku lug leeyahay hadii kale isla markii waxaa galayo shaki ah sababta aad ku keentay su'aalaha, waydii xaafada ka imaaday iyo wax yaabo iska caadi ah aan laheen caqabad.

4. Noqo qof aan dadka hadalka ka jarin

dadka way xiiseeyaan qofka markii ay hadalka u sheegayaan si wacan u dhageesta, noqo  qof aan dood badneen ama qofka hadalka ka jara, ha noqon qof wax kasta markii loo sheegaya dhaha waxaas waa beentaa balse si dagan ula hadal adigoo aan ka dhigeen warkiisa mid aan qiimo laheen xiliyada uu kala hadlayo dareenkaaga isaga si uu u dareemo in uu hadalkiisa kuugu socodo, ha tusin wax caajis ah.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmai.com

www.daalac.com
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks