3 sabab oo ay nimanka jikada (Kushiinka) u galaan

Saturday, June 25, 20110 comments

Kadib markii uu ninka ragga ah ka baxo nolosha kalinimada ah una guuro nolol midii hore ka tayo iyo dhadhan wacan ayaa la sheegay in ragga leh xaasaska ay suurta gal tahay xiliyada qaar in ay jikada ama ku shiinka galaan oo cunta u kariyaan xaasaskooda, xiliyada ayaa ah xiliyo lagu tilmaamay in ay tahay xiliyada hoos ku qoran

1. Xaaskiisa oo Make Up ku mashquulsan

Dumarka waa kuwa markasta ku dadaala bilicdooda waa isha kaliya indhaha qabtaan bilicda markii laga soo tago qaab dhismeedka jirkeeda, hadaba xiliyada ninka xaaskiisa ay make up isku wato in ninka ay suurta gal tahay in uu jikada galo isago oo ka xishoonaya ama siinaya muhiimad.

2. Xaaskiisa oo ka xanuunsan

Xiliyada ay naagta uur ama ay foolaneeso ama ay dhasho ayaa la sheegay in nimanka ay sidoo kale jikada galaan taas oo lagu macneeyay in jidka kale uusan jirin oo cunta ku halaya, halka ragga qaar ay ka doorbidaan in ay aadan maqaayadaha ama loo waco qof shaqaalaha ah, ragga ayaa tusiya in marka ay naagahooda xanuunka haayo in ay leeyihiin wax qabad.

3. Ninka oo ka raadiya naagtiisa amaan

Ragga qaar ayaa jikada u gala in ay ka helaan mahadnaq oo ay ka helaan dhanka xaasaskooda, raggaan ayaa la sheegay in cuntada ay kariyaan marmrk qaar ay ka dhadhan wacantahay mida ay kariso xaaskiisa.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmail.com

www.daalac.com

 
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks