Ila Tali: Walaalkeyga saaxiibtisa dhabta ah ayaan jeclahay

Tuesday, June 21, 20110 comments

walaalkeyga ayaa iga hor bartay intii aan aniga islahaa baro, gabadha daris ayee nala tahay xaafadeena kama fogo mar dhow ayee soo dageen wax ka yar sanad, walaalkeyga waan u sheegay in aan damacsanahay qofta cusub ee xaafada soo dagtay, mudo kadib waxaan arkaa gabadhii aan damacsanaa iyo walaalkeyga aad iskuugu dhow, waxaan is iri walaalkaa ayaa kuu soo xero galinayo qoftaan, wuxuuna markii dambe igu war galiyay in uu isaga ku haayo qofta uuna ka raba mustaqbal, anigane waxaan u arkaa khiyaano arintaas maadaama aniga aan hore igu sheegtay, walaalkeey ayee aad uga heshay anigane iyada ayaan saa'id ujeclahay, marka waxaan ku fikiray in aan khaliifo (shaafteeyo) ama aan dhankeyga ka xamaashto qoftaas, anigane iyada ayaan jeclahay? maxaad iigula talin laheed? walaalkeyga sidee uga badin karaa? sidee ku kasban karaa qoftaas? maxaan sameeyaa? ila tali hadii aad aqrisato fariintayda adiga oo ii dhaafaya comment. mahadsanidiin.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmail.com

www.daalac.com
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks