Ila Tali: ma dabeecad xumahay? qof xun miyaan ahay?

Thursday, June 23, 20114comments

waxaan ahay gabar Soomaaliyeed ku nool dalka Canada, waxaan internetka isku baranay 2 gabar, xiriirkeena wuxuu ahaa mid meeshii ugu maceed uu gaaro, hadii aan xitaa is qabano waxaan aheen kuwa isla markii xaliya khilaafkooda isla goobta ku heshiiya,  sida uu xiriirkeena u wanaagsanaa aniga iyo labadeyda sxb ee gabdhaha ahaa ayaa waxxaa nagu soo biirtay gabar kale, waxaa noqonay 4 gabar, laakiin aniga gabadha nagu soo biirtay kama helo, waan ka maseeraa mana jecle, waa qof markii aan arko jirkeyga uu iska diido ama uu dhibsado, waxaan u arkaa gabadha gadaal nooga soo biirtay in ay tahay mid iga qaadeneeso jeceylka aan u qabo saaxiibdeyda kale, markasta waan ka maseeraa, inkastoo ay jiraan gabdho aan xiriir la leenahay laakiin midaan marnaba ma iigu baxdo mana jecli arageeda.

waxaa batay khilaafka aniga iyo gabadha aan ka maseero, sida uu dhibka u jiray ayaa gabdhihii aan Allah dartiis isku jecleen halmar ayee si kadis ah xiriirka iigu jireen aniga waan jeclahay iyaga la aantooda uma maleeyo noloshayda in ay istaagi karto, waxaan u diray fariimo dhanka mobile ka ah waxayna iigu jawaabeen markale ha noo soo dir fariin, nolosheyda ayaa cariiri sii gashay, mana hilmaami karo labadaas gabdhood saaxibtinimooda, noloshayda iyga ayee soo xasuusataa, iyagane ma doonayaan in ay salaanta iga qaadaan, waxayna i dhahaan waxaa tahay sxb teena laakiin xiriirkeenii bas ayaan kaa jaranay, waxaan u arkaa dhibkaan in ay ka talisay gabadhii gadaal nooga soo biirtay aan awal u dareemi jiray mid xumeen doonta xiriirkeena.

maxaad iigula talin laheed mar hadii aad aqrisatay dhibkeyga? ma dabeecad xumahay ama aniga ayaa qaldan? maxaase ila gudboon? fadlan leave me comment: thanks sida wacan aad u aqrisatay fariintayda:

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmail.com

www.daalac.com
Share this article :

+ comments + 4 comments

June 24, 2011 at 5:58 AM

Waw waa cajiib wa arin aaan layabay markan aqriyay saxibtinimada wa sheyga ugu qaalisan ee dunida, waxey ila tahay gabdhaha sxbadada kalsonidi hore ay kugu qabeen ayad daciif kadhigtay sababto ah, {qof xun hadi ad aragto qofka wanagsan dartis aya lagu xishmeyaa} marka isku day in ad kalsonida soocelisid, qof wanagsan in ad tahay qoralkaga ayan kadaremay try again, dabeecadxuma kuma heyse maseerka lee kaa keenay

June 24, 2011 at 5:58 AM

Waw waa cajiib wa arin aaan layabay markan aqriyay saxibtinimada wa sheyga ugu qaalisan ee dunida, waxey ila tahay gabdhaha sxbadada kalsonidi hore ay kugu qabeen ayad daciif kadhigtay sababto ah, {qof xun hadi ad aragto qofka wanagsan dartis aya lagu xishmeyaa} marka isku day in ad kalsonida soocelisid, qof wanagsan in ad tahay qoralkaga ayan kadaremay try again, dabeecadxuma kuma heyse maseerka lee kaa keenay

July 3, 2011 at 10:49 AM

A.s.c abaayo waan ki salamay salan ladib .........
Abaayo waxaan ku dhihi lahay is dhiiro gali adiga oo shun ugu dheh oo hadal yeey kaa maqlin araktine yeey ku akin asxaab kale sameeso oo iskaga waqti dhameeso cml ... Muda kadib kmarkii aad saas sameeso hal mar lahadal oo iska salaan salaan caadi ah ... SXBtinimada laguu sheegaayo ayaa xariir ah marne hadii eey ku dhahaan xariirkena lee kaagoosanay laakiin saaxiibteena ayaa tahay sxbtinimada wax eey kayaqaanaan majiro .... Teeda kale abaayo qof dabeecad xun ilama akit sidaan ka aqriyay qoraalkaaga .......... bye

July 3, 2011 at 10:49 AM

A.s.c abaayo waan ki salamay salan ladib .........
Abaayo waxaan ku dhihi lahay is dhiiro gali adiga oo shun ugu dheh oo hadal yeey kaa maqlin araktine yeey ku akin asxaab kale sameeso oo iskaga waqti dhameeso cml ... Muda kadib k\markii aad saas sameeso hal mar lahadal oo iska salaan salaan caadi ah ... SXBtinimada laguu sheegaayo ayaa xariir ah marne hadii eey ku dhahaan xariirkena lee kaagoosanay laakiin saaxiibteena ayaa tahay sxbtinimada wax eey kayaqaanaan majiro .... Teeda kale abaayo qof dabeecad xun ilama akit sidaan ka aqriyay qoraalkaaga .......... bye

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks