Astaamaha lagu garto in uu jaceyl ku hayo

Sunday, June 26, 20112comments

Qalbiga bini aadamka ma ahan mid la xakameen karo, qalbiga isaga ayaa xushta qofka uu doonayo, rabitaanka qalbiga ayaa noqon doona mid noloshaada ku hogaamiya jaceyl iyo raxmad, qalbi kasta wuu karaa jaceylka, astaamaha lagu garto in uu jaceyl ku hayo waa astaamo udabiici ah bini aadamka waana hor dhaca jaceylka.

1. Ma iska xakameen kartid in aad ka fikrto (isaga/iyada)

Waxaa kuugu bilaawda fikir iyo in aad ka fikirto (isaga ama iyada), adiga oo soo xasuusanaya hadaladii idin dhex maraya, fikirkane waxaa ugu daran xiliga aad jiifaneeso taas oo hurdada kuu diida in aad seexato fikir aawadiisa, marmarka qaar waxaad isku arki doontaa adiga oo laguu sheekenayo in aad ka fikirto qof aad jeceshahay, waxaana dareemee in maskaxdada ay maqantahay.

2. Adiga oo Jecel in aad waqti badan la qaadato (iyada ama isaga)

Waxaad jeclaan doontaa in aad siiso waqtigaaga inta badan qofka aad jeceshahay, mana dareemi doontid inta saacad ee kaa luntay iyo waqtiga baxay, dano kasta aad leedahay waxay kaaga baaqan doonaan qofkaas dartiisa, waxaadna nafsadaada ku sasabi doontaa in aad dib ka qaban doonto wax yaabaha ku dhaafay.

3. Waxaad  dareemeesaa farxad aan caadi aheen

Markii aad isla wada joogtaan waxaad dareemeesaa farxad iyo reen reen adiga isku heesta in aysan jirin wax kaa maqan, waxaad ka soo laaban doontaa adiga oo dhoola cadeenaya, iyo nafsadaada u aragto in caawa ama maanta aad sifiican ula soo qaadatay farxad.

4. Adiga oo ka walwala in aysan dhicin xumaan

Waxaad isku arki doontaa in aad ka walwalsho, hadii aadan arkin saacado ama maalmo waxaad ka fikiri doontaa in aad qalad ka gashay, waxaadna isku arki doontaa adiga oo waca qofka waydiiya in la arkin maalmahaan.

5. Adiga oo iska lumaya saaxiibadaada

Qalbigaaga ayaa hal dhinac ubatay, waxaad yareen doonta xiisaha aad u qabto saaxibadaada adiga aadan siin wax ahmiyad, waxaana yaraan doono xiriirka kaala dhaxeeyo iyaga iyo adiga, sababtuna waxay tahay adiga oo jecel qof.

6. Adiga oo taga meelaha lagu arko iyada ama isaga

Midaan 6aad waa markii uu jeceylka ku asiibo, waxaad isku dayi doontaa in aad aragto isaga ama iyada adigoo ka raadinaya meelaha uu qofkaas yimaado, sidoo kale xafladaha iyo casuumadaha ayaad u raaci doontaa, tusaale ahaan waxaad maqli doontaa in qof hebel uu xafladaas aadi doono adigane waxad isku taxluujin doontaa sidii aad ku heli laheed casuumad.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmail.com

www.daalac.com
Share this article :

+ comments + 2 comments

June 27, 2011 at 6:39 AM

Waanka hele runti. Waxan codsanayaa in lasoziyadiyo murti, maahmaah, sheekoyinka iyo arimaha jacaylka. Waad kumahadsantihiin, wcs.

June 27, 2011 at 6:39 AM

Waanka hele runti. Waxan codsanayaa in lasoziyadiyo murti, maahmaah, sheekoyinka iyo arimaha jacaylka. Waad kumahadsantihiin, wcs.

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks