Gabar Somali ah oo soo islaamisay gabar kirishtaan aheed

Friday, June 17, 20110 comments

Diinta Islaamka ayaa noqotay diinta ugu faafiska badan dalka USA, dadka soo galaya diinta Islaamka ayaa ah kuwa isi soo tarayo marba marka ka dambeesa, iyadoo ay jiraan dacaayado iyo gaf loo geesanayo diinta islaamka hadane dadka doonaya diinta islaamka dhag jalaq uma siiyaan wararkaas meel ka dhaca ku ah sharafta islaamka.

Armanda oo ah gabar 19 jir ah ayaa sheegtay in ay qaadatay diinta islaamka ayna tahay wixii hada ka bilaawda gabar muslimad ah kuna dhaqmi doonta shareecada islaamka, Amanda ayaa sheegtay in soo galisteeda ay ugu wacneed kadib dariskooda uu ah faamili Somali ah kuwaas oo ku dhaqma shareecada islaamka, waxay tiri Armaanda waxaan daris aheen mudo 15 sano ah reerkaan, waxaan la qaatay waqtigeygii caruurnimada waxay sheegtay in reerka uu ahaa reer wanaagsan, aad ii xiiseeeya, waligeyna iguma oran wax diintayda ku saabsan, markasta waxay itusi jirin hab dhaqankooda wanaagsan, waxaan u heesan jiray in dhaqankooda uu sidaa yahay, maalin ayaan waxaan waydiiyay dhaqankooda waxay igu yirihaadeen dhaqankeena waa islaam, waxaan go'aan saday diinta dhaqankeeda sidaas yahay in aan baadi goobi, waxaana iga caawisay fahamka diinta islaam ka gabar reerka ka tirsan oo lagu magacaabo Naciima.

waxay sheegtay Armaanda inta aysan qaadan diinta islaamka in markasta reerkeeda uga digi jireen in ay la saaxiibto reerka iyada soo islaamiyay, waxay sheegtay marmarka qaar waxaan u arki jiray xijaabka in uu yahay mid funny ah marmarka qaar waan iska xiran jiray ayee tiri.

Armanda ayaa ku dadaaleeso in faamilkeeda dhan uu noqdo faamili islaam ah kana codsatay bulshada muslimiinta in ay usoo duceeyaan uuna Allah ka saaro nolosha madow ay ku jiraan.

Amanda ayaa u mahadnaqday shacabka Soomaaliyeed waxayna sheegtay walaalaha iigu dhow aan heesto in ay yihiin Somali.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac@daalac.com

www.daalac.com
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks