Maxaad kula talin laheed gabadhaan ninkeeda ka cabaneeso

Saturday, June 18, 20110 comments

Sacdiyo oo ah gabadha na soo gaarsiisayay dhibka ay ku qabto nin keeda ayaa sidatan u qorneed:

Ninkeyga waxaan isqabnaa mudo 5 sano ah, Allah wuxuu nasiiyay 2 caruur ah, mid uu wiilyahay midna ay tahay gabar (inan), xaalada aniga iyo nin keyga labadii sano ee hore waxay aheed mid ku dhisan jawi dagan iyo farxad aan kala hareen, caqabadeena waxay bilaabatay 2 dii sano ee ugu dambeeday, ninkeyga wuxuu bilaabay in uu halmar isbadalo dabeecadihii aan ku aqiinayay iyo wanaagii midna kama arka, markasta waxaan isku taxluujiyaa in aan ogaado dhibka uu tabanayo, waxaa ka soo haray caro iyo xanaaq, waxaan ahay gabar aan hadal badneen, gurigeeda ku eg, nin keyga wuxuu si saa'id u adeegsadaa facebook aniga uma arko caqabad, balse dhibka jiro ayaa ah ninkeyga sanadkii 2 mar ayuu kenya aadaa isaga oo ii sheegin sababta uu ubaxo, shaki wayn ayaa igu dhashtay, xiliyada teleefoonka usoo dhacaan wuxuu la aadaa banaanka guriga, maalin ayaan damcay in aan furo ama dhax galo gudaha teleefonkiisa hadii ay jiraan wax yaabo iga qarsoon waxaan helay fariin ay soo dirtay gabar taas oraneeso macaane waan ku sugi la ahay ameed kenya imaanee, markii aan arkay fariintaasi waan mooral dilaacay waxaana ikacay dhiiga, isla markii ninkeyga ayaan dhahay waa maxay fariintaan sidaan kuugu taalo, wuxuu iigu jawaabay malaha qof soo qaldantay ayaan filiyaa wuxuuna igu dhahay hadii aad markale mobile keyga fatashtid waa markii ugu dambeesay xiriirkeena uu ula jeedo in uu ifuri doono, hadane waxaa soo dhawaaday xiligii uu aadi lahaa Kenya.

marka bulshada Soomaaliyeed waxaan ka codsan lahaa in ay iga siiyaan aragti sidee aan uga baajin karaa safarka ninkeyga?

fadlan hadii aad dooneeso in aad fikir ku darsto ka dhiibo comment. thanks

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmail.com

www.daalac.com
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks