Somalia oo noqotay 5 wadan ee igu isticmaalka yar facebook qaarada africa

Saturday, June 18, 20110 comments

isticmaalka ama adeegsiga facebook ayaa noqday qeeb kamid nolol maalmeedka noolaha, facebook ayaa noqday aalat loo adeegsado dhinacyo badan sida in aad ku sameesato ganacsi, waana aalaadii ugu badneed ee dunida soo marta sidaan loo wada adeegsado, labadii qof ee aad la kulanta mid ayaa isticmaala facebook hadii aysan wada isticmaalin, dadka isticmaala facebook ayaa kabadan 500 million

sida lagu xusay facebook-statistics Soomaalida  isticmaasho facebook ayaa ah tiro ahaan 23,820 qof, nisba ahaan ayee ka noqoneesaa Somalia 0.24% wadamada isticmaalaha taasoo ah tirada ugu liidata

warbixinta ayaa lagu sheegay wiilasha iyo gabdhaha  Soomaalieed ee isticmaala facebook in ay badan yihiin wiilasha ay noqoneeso nisba ahaan  78% wiilal, halka nasibada gabadhaha ay aad uga hooseeso mida wiilasha ay noqoneeso 22% gabadho,



sidoo kale warbixinta ayaa lagu xusay da'da isticmaasha faceebook ee Soomalida iyadoo noqotay  da'da ugu istimaalka badan da'da u dhaxeesa 18-25 jir oo nisba ahaan noqoneeso 45%, taas oo muujineeso in da'yarta Somalida ay aad u isticmaalaan faceebook, da'da ku xigto ayaa noqoneeso da'da 2aad  ee ugu badan oo ah  da'da u dhexeesa 25-35 jir oo nisba  ahaan noqoneeso 30%

Dalka Jibuuti ayaa ka sareeya tira ahaan dalka Somalia marka loo fiirsho tirada isticmaasha facebook halka dadka Jibuutiyaanka ah ay ka noqoneeso tiro ahaan 52,660 (Facebook users).

Somalia ayaa ka horeeso wadamo aan sidaas u badneen sida dalalka kala ah EQUATORIAL GUINEA, ERITREA.

isticmaalka facebook ayaa kaalinta 1aad kaga jira aduunyada dalka USA, halka kaalinta 2aad uu uga jiro dalka Indonesia, halka kaalinta 3aad uga jiro dalka Ingiriiska.

warbixintaan ayaa muujineeso in tirada somalida isticmaasho facebook ay aad u yartahay

xigashada warbixinadaan: www.socialbaker.com iyo http://www.internetworldstats.com/africa.htm

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmail.com

www.daalac.com


Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks