Wali maxa suusataa qoftii ama qofkii aad kala tagteen, Maxaa ugu wacan in aad xasuusato

Saturday, June 25, 20110 comments

wali ma xasuusataa qoftii ama qofkii aad kala harteen? dhoor sano kadib wali waad xasuusataa maku fikirtay sababaha aad u ilaawbi wayday hadaba maanta waxaan kuu sidnaa sababa aadan u ulaabi karin qofkaagii hore aad xiriirk la laheed misna mar aad is jecleedeen.

1. Wali Waad xiiseesaa (Damac ayaa kaaga jiro)

Adiga oo wali jecel dareen baaxadiisa wayntahay u haya ayaad kala kulantay qofka aad sida dhabta u jeceshay in uu ku dhaho intaan kabadan ma isla sii wadi karno xiriirka, adiga xiligaas kuma qanacsanid go'aanka uu qaatay ama ay qaatay waxaa wali kuugu jiro in aadan qalad ka sameen, wax xumaan ah aadan u qabin aadna aaminsantahay in mar uun xiriirka hagaagi doono.

2. Qofka aad Jecleed oo aad wali u xanaaqsantahay (Cuqdad Uqabtid)

Xiligii uu xiriirkiina xumaanayay ayaa midkiin wax la gaarsiyay isaga uu isku arko in la qiyaanay ama si uusan asi raali ka aheen lagu sameeyay, ama markii uu xiriirkooda xumaanayay laga yaabee in dagaal iyo gacan ka hadal ay kala gaartay taasoo keenta in mid kamid ah u arko in loo awood sheegtay mida ayaa keenta in uu qofk ku fakiro in uu aar goosto, marksta wuu soo xasuusanayaa.

3. Adiga oo is waydiiya muxuu kuugu nacay ama ay kuugu nacday

Qofka aad jeceshahay isaga oo aan wax war ku siin ayuu halmar xiriirka iska jartay mana kaaga faaloon sababaha uu xiriirka u jaray, waxa ugu badan ay maskaxdaada is waydiiso ayaa noqonaya muxuu kuugu nacay ama ay kuugu nacday, wxaad marksta is waydiinaa in aad wax gaf ama qalad meel ka dhac ah aad ugeesatay, sidoo kale waxaad raadinee dad isaga ku dhow dhow si aad hesho wax yaabaha uu xiriirka u jiry taasna waxay sabab utahay in aad xasuusato qofkaagii hore.

4. Adiga oo si dhab ah u Jecel

Sahal kuma baxa jeceylka, wa dareen aan daawa laheen, sidaa darteeda nafsadaada ayaa wali jecel si kasta uu kuu xumeeyo, xumaantiisa uma aragtid mid adiga  caqabad kuu ah, markasta niyada ayaad ku heesaa, waxaadna ka fikireesaa sida uu markale xiriirkiina ku wanaagsanaan lahaa, adiga ooo marksta u qoro warqado jaceyl iyo arima aad isleedahay waad ku soo jiidan kartaaa.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmail.com

www.daalac.com

 
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks