Ila Tali: Naagta la ila qabo waa mid xun

Wednesday, June 29, 20113comments

Hadalka waan soo koobayaa InshaAlah, Magaceyga waa Ayaan, ma doonayo in aan xuso meesha aan ku noolahay sababa jiro darteed,  mar dhow ayaan guursaday nin wanaagsan maashaAllah, nolosheena waa mid Allah nagu harqiyay barwaaqa, ninkeyga waa nin xaas leh aniga horteey (naag kale qaba) , wuxuuna leeyahay caruur, aniga oo og ayaan sidaa ku guursaday, ninka aad buu ii wanaajiyaa kama eed sheegan karo, waxaa dhacday naagta la ila qabo in ay codsatay furiin ama anigan Ayaan ah la ifuro, ninkane wuxuu doonayaa labadeena in uu nawada qabo anigane dhib uma arko, sheekadooda ayaa daba dheeraatay garta waxaa galay labada dhinac ee reeka (reerka naagta la ila qabo iyo ninkeyga reerkiisa), wax miro dhal ah way ka soo bixi waayeen, ninkeyga wuxuu ubalan qaaday in uu wax kasta u iibin doono, intaba waydiiday, mudo kadib ilmaha ay dhashay ayee iska soo burisay, arintii ninkeyga ayee saameesay wuxuu bilaabay har iyo habeen in uu ka fikiro arinteeda, anigane saameen ayee igu yeelatay, dadka qaar ayaa ninkeyga kula taliyeen aniga (Ayaan ah) in la ifuro maadaama aan waxba dhalin wali, iyada oo la eegaya maslaxada reerka dhisan ee leh caruurta.

Cabsi ayaa iqabatay, fitnada naagta waxay noqotay mid isaameeso, hadii aad tihiin dad walaal ah oo jecel dadka in ay fikir ku biiriyaan igu biiriya waana idiin mahadnaqay dhamaan.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmail.com

www.daalac.com
Share this article :

+ comments + 3 comments

July 15, 2011 at 3:32 PM

ayaan aniga abaayo waxan ku iri ninka iska fur sababtoo ah waa uqobo ama naxdin gabar walaashaa u so hoyaday ma jeceshahay adiga sidaa in lakaaga maseeriyo waa maya su aasha abayo macan horta wax walba waa calaf hadii uu ninka adiga ilaah ku qoray waad helaysaa iyada hadii ilaah u qorayna way helaysaa balse mar walba firi haga wanaaga adiga abaayo, aniga waxan ku oran lahaa ilaa inta ay maseerka kabaxayso u daay ninka habeen walba halaseexdee, sababtoo ah raga somaliga mayaqaaniin sharciga tii oo maseer layaaban ayay dha hayaan habeen wanaagsan naxdin.com kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk ayaan bye

October 26, 2014 at 10:17 AM

ani waa kulataliniya abayo jecelka benta yunakuhodhin ee mesha iskaga taag hada dowdhahay

Post a Comment

Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks