Markii aan isguursanay wuxuu ahaa nin jaadka iyo sigaarka banaanka ku soo caba, habeen kasta wuxuu ii iimaadaa isaga oo afka nanac kuwata nanacaas oo afka carfiya wuxuuna ii sheegay in nanacaan uu jecelyahay balse gadaal dambe aan ka ogaaday in markuu xaafada imaan rabo in uu afka ku caraf sado uu urka sigaarka iska baabi'iyo.
Wuxuu bilaabay in uu la cabsan sigaarka iyo jaadka wuxuu bilaabay in uu guriga la soo galo, aad baan uga xumaaday waxyaabaha uu ku dhaqaaqay, waxaan ka codsaday in uu ifuro mar hadii uu balwada iska jarin, wuu ii ilmeeyay kadib wuxuu iga balan qaaday in uu iska dhaafayo balwada, mido bil gudaheeda ayaan jeebakiisa waxaan ku arkay daroogo ama kaniini, ninkeyga ma hurdo, wuxuuna hada i dhahaa waxaad qaadi karto qaad, wuxuuna ii sheegay in uu xashiishka iyo calaqa isticmaalo, kaniiniga uu yaraantiisii bilaabay.
waxaan rabaa in aan iska furo? taladeyda maka saxanahay? maxaad igu biirin kartaa aragti?
W/Q: Daalac Daahir shoot
E-mail: daalac9@hotmail.com
www.daalac.com
Post a Comment