Gabar guur (aroos) makaa diiday? sababaha keena in ay guur kaa diido!!!

Thursday, June 23, 201114comments

Rag iyo dumar waa kuwa dadaal ugu jiro sidii ay nolosha kalinimada ah uga bixi la haayeen, ragga qaar ayaa guul daro kala soo kulma gabadha ay xiriirka la leeyihiin kadib markii ay u bandhigaan in ay guursadaan, hadaba maanta waxaan idiin wadnaa sababaha keena in ay gabadha diido guur.

1. Wali ma aysan kaa helin ( Dooqa ay rabtay Ma aadan noqon)

Dooqa dumarka waa mid cajiib ah wuuna ka duwanyahay kan ragga inta badan, dumarka ma qiimeeyaan wax yaabaha adiga (nin) kuu qiimeesan, waxaa diirada usaaran wax yaabo aadan adiga ku fikirin, inkastoo ay xiriir kula leedahay hadane waxay dareemeesaa in aadan aheen qof u qalmada noloshayda, taasina waxay keentaa in ay guur kaa diido iyada oo raadineeso qof dooqeeda ah.

2. Wali ma aysan ku jeclaanin

waa mid ka mid ah sababaha ugu wayn in ay kaa diido guur, inkastoo ay jiraan dumar dano ku raaco ragga sida hanti, magac ama wax yaabo kale, balse qodobkaan ayaa ah mid ay dumarka sal dhig u ah, dumarka ayaa ku saleeya noloshooda jaceyl, halka ninka ragga noloshiisa uu kaga saleeyo xaalada markaas jirto ama isaga heesto.

3. iyado oo xiriir la leh qof aan adiga aheen (nin kale)

markii ay xiriir qof kale la leedahay waa hubaal in ay kuula imaato marmarsiyo aan caga adag ku taagneen, sababta jirta ayaa ah iyadoo aan u qorsheesneen ninka noqonayo qofka guursanaayo, sidoo kale waxay ubadan tahay in ay balan ka qaaday qofkaas kale ama ay  kaa jeceshahay qofka kale, taas oo keenta in gabadha kuugu diido arinta.

4. Qubdbo siro lagu qabo (meher qarsoon)

way adagtay marnaba in aad kala hadasho arin guur, waxay isku dayeesaa in ay kaa xirxirto arimaha ku saabsan guur sababta ayaa ah iyadoo ilaalsaneeso in ay  qarsato guurkeeda qaab sireedka ah,  gabadha qudba sirada lagu qabo ayaa la sheegay sababaha ay niman kale xiriir ula yeelato ah in aan la dareemin iska dhigto qof wali shukaansi ku jirto.

sababahaas aan kor ku soo xusnay ayaa sal dhig u ah in ay gabadha guur kaa diido, calafkuna waa halkiisa

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmail.com

www.daalac.com

 
Share this article :

+ comments + 14 comments

wadani
June 25, 2011 at 10:56 AM

Aqyaarta warkaan sax maahan, qofka cudur daar kale baa heysan kara, marka dib haloogu noqdo.

waa mahadsan tihiin isku daygiinna.

wadani
June 25, 2011 at 10:56 AM

Aqyaarta warkaan sax maahan, qofka cudur daar kale baa heysan kara, marka dib haloogu noqdo.

waa mahadsan tihiin isku daygiinna.

June 26, 2011 at 3:17 AM

Wa sax arinkan wadna ku mahad san tihin

June 26, 2011 at 3:17 AM

Wa sax arinkan wadna ku mahad san tihin

September 17, 2011 at 11:39 PM

Waxan sax ma ahin ha lagu noqdo wayo wa qalad far aya ku jirto

September 17, 2011 at 11:39 PM

Waxan sax ma ahin ha lagu noqdo wayo wa qalad far aya ku jirto

September 17, 2011 at 11:42 PM

Aqayarta arinkan sax ma ahin halagu labto dib halo firiyo qer badan

September 17, 2011 at 11:42 PM

Aqayarta arinkan sax ma ahin halagu labto dib halo firiyo qer badan

NasrAli
September 29, 2011 at 2:36 PM

waxas waxba kama jiran ma oga jeedin dhanka dumarka

NasrAli
September 29, 2011 at 2:36 PM

waxas waxba kama jiran ma oga jeedin dhanka dumarka

October 24, 2011 at 6:34 AM

I thought finding this would be so arduous but it's a brezee!

October 24, 2011 at 10:36 PM

Hey, good to find someone who argees with me. GMTA.

October 26, 2011 at 7:35 PM

Last one to uitlzie this is a rotten egg!

October 26, 2011 at 8:37 PM

I can't believe I've been going for years wihotut knowing that.

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks