Ila Tali: Darteed ayaan Kenya u imid wayna i qiyaantay si xun waliba

Monday, June 27, 20110 comments

Magaceyga waa Cumar Xaaji, 27 jir ayaan ahay, waxaan leeyahay 3 caruur ah, xaaskeyga waan kala tagnay markii aan isla imaanay halkaan, kadib guur kale ma aanan arkin, sanado kadib ayaan waxaan sameestay facebook waxaan isbaranay gabar lagu magacaabo Ubax Cadnaan, magaca ay facebook ku soo gasho ayaa ah Qalbi Uroon, waxaan ku heshiinay in aan xiriir yeelano, waana war galiyay in aan ahay aabe caruur leh ayna xaaska kala tageen, waxay itiri waan ku qanacsanahay ilmahaaga aniga ayaa hooyo unoqonayo, waxaan wada xariir jirnay, waxaan is dhaafsanay sawiro, sawirka ay ii soo dirto iyada malahan laakiin waxaa iskalaheed gabar ay guri isla dagan yihiin, mudo kadib MSN ka ayaan isku darsanay way iga diidi jirtay waxayna idhihi jirtay waan xishoonaa, maalin ayaa ku iri in aan ku arko ayaa jirto, waxay soo wadatay gabadhii sawirka iska laheed waxayna ka codsatay in ay kaamirada fadhiisato waxayna igu dhahday samicad malahan, markii aan arkay in uu isleeyahay sawirka iyo muuqaalka  waan sii aaminayay, kadib maka codsan wax sawir ah, xiliyada qaar waxay iga soo wici jirtay meel teleefoonada raqiis ka yihiin, aniga sidoo kale waan wici jiray, waxaana iga go'need guur.

waxaan ku balanay in aan is guursano waxaan usoo duulay Kenya gaar ahaan Nairobi, markii aan garoonka imiday balanta waxay aheed in ay isoo dhaweeso balse sidaa ma dhicin way ii gooysay, waxaan maagay in aan waco teleefoonka hawada ayuu ka baxsanyahay, waxaan imiday hotel ku yaalo Islii, mudo 3 bari ah markii uu teleefoonka ii dhici la yahay, ayaan waxaan ku darsaday facebook mid kamid ah wiilasha iyada ugu darsan kadib waxaan waydiiyay in uu yaqaano markii aan uga sheekeeyay wuu ka xumaaday wuxuuna i dhahay waxaan ku tusinaa meesha ay dagantahay, gabadhii markii aan arkay way ka naxday kulankeygii wayna i inkirtay, xanaaq darteed ayaan dharbaaxsho ugu dhuftay, dadkii ayaa isku soo baxay meeshii ayaa buuq ka dhashtay, waxaana ku ogaaday in sawirka iyada aheen waxaana soo arkay qofkii sawirka lahaa,, waxaana ii cadaatay in ay beenleey aheed, sidoo kale dadka xaafada ayaa ii sheegay in la qabo naagtaan uu  ninkeeda South Africa joogo.

Marka maxaad iigula talin laheed? wadan fog ayaan ka imid qarash iyo aduun ayaa igalay? dhoorsano iyada darteed ayaan waqti ulumiyay? maxaa sameeyaa aniga maalinkii malyan go'aan ah ayaa igu soo dhaca. codsi codsi ila taliya tan oo kale ima soo marin

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmail.com

www.daalac.com
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks