Ila Tali: Markii uu guursaday ayaan ogaaday in aan jeclahay

Thursday, June 23, 20110 comments

waxaan ahay gabar, waan ka xishooday in aan magaceyga iyo halka aan joogo sheego, waxaan guri ku soo wada kornay wiil uu dhalay abtigeyga, xiriir walaalnimo ayaa naga dhexeeyay, waxaan aheen laba markasta isku shushubta sheekooyinka, xiriir gaar ah ma naga dhexeen, waxaan ujeclaa sida hooyadeeda oo kale, waxaan uga baqi jiray sida aabaheyga oo kale, waan dhaqaaleen jiray sidii qof aniga aan dhalay, waan saacidi jiray aniga aan dan ka laheen isaga, isagane sidaas oo kale ayuu ahaa, waxaa dhacday in uu guursado gabar ay isla dhigan jireen jaamacad uu xiriir la lahaa, waxaan tagay goobtii xaflada, wuxuu ii soo dhaweeyay sidii qof madax ah, wuu isoo mar xabeeyay, goobta waxaan isku baranay gabadha uu markaasi guursanayo, habeenkii markii aan guriga ku soo laabtay aan isaga waayay waan walwalay guriga ayaan ku cidlooday, habeenkii fikir subixii waxaan soo kacayay aniga oo jaceyl i haayo, markasta waxaan tagaa guriga uu naagta ku qabo, aragtidiisa ayaa ii farxad ah in aan jeclaaday uma sheegan karo, laakiin in uu dareen rabitaan ah igu jiro waxaa i ogaatay naagtiisa oo iga soo burisay guriga, ma joogi karo waxaa jirto in aan isaga wacdo aan ku iraahdo ii imaaw, isagane wuxuu ii heestaa qof walaashiis u ah sidii awal aan u wanaajin jiray u wanaajiyo, marka uu xaaskiisa u laabanayo waxaan dareemaa haraad iyo jirka uu i damqada.

Maxaan sameeyaa? ma u sheegtaa jaceylkeyga? maxaan uga hari karaa? ba ila tali adiga oo mahadsan.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmail.com

www.daalac.com
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks