Ila Tali: Naagtayda waxaa markasta igu dirto naagta dariska ila ah

Saturday, June 18, 20110 comments

Warqadani waxay naga soo gaartay Maxamed Axmed Jagoban, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sidatan:

waxaan dagnaa xaafad Somalida ku yartahay, waxaan go'aan sanay in aan uguuro magaalo Somalida ku badantahay, si ubadkeena u helo dhaqanka iyo diinta islaamka, waxaan daris la noqonay islaan ninkeeda uu ku maqanyay Sacuudiga, waxay timaadaa markasta guriga aan daganahay, aniga lama hadlo wax kabaxsan salaanta ma dhaho iyada iyo naagtayda markii ay sheekeesanayaan waan uga soo tagaa ma dhageesto, mudo 4 bil kadib ah ayaa naagtayda waxaan ka arkay isbadal iyo dhago hadal, waxay bilaawday naagtayda in ay guriga naagta dariska nala iska dhex joogto, sidaa waxaa ku dayacmay reerkii iyo caruurtii, si kasta oo aan u waaniyo  wax isbadal ah kama arkin, waxaan go'aan saday in naagta aysan gurigayga imaan si mushkilada ay u yaraato, waxay bilaawday naagtii dariska aheed in ay naagtayda kala hadasho teleefoonka, aniga oo dhibkaa qaba ayee hadane iga codsatay in aan iska furo? maxaan sameeyaa ila taliya?

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmail.com

www.daalac.com
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks